Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo baaq u diray Odayaasha Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane; Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno ka tirsan Baarlamanka Labada Gole ee Dalka ayaa kulan wadashi ah la qaatay, qaar kamid ah Odayaasha dhaqan Galmudug ee ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda kale ayaa waxay Odayaasha kala hadleen sidii loo dadajin lahaa dhismaha maamulka Galmudug loo dhan yahay, iyagoo isku Afgartay dhammaan qodobbadii laysla soo qaaday.

Wafdiga uu hoggaaminaya Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa Magaalada Dhuusamareeb u jooga sidii loo dar-dar gelin lahaa dhismaha maamulka Galmudug loo dhan yahay iyo turxaan bixinta tabashooyinka  Bulshada degaannadaasi ku dhaqan.

RRR4.jpg RRR3.jpg RRR2.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this