Sign in to follow this  
Deeq A.

Bannaanbax rabshado wata oo looga soo horjeedo DF oo ka socdo Ex. Kontrol Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Bannanbax labaad oo rabshado wata ayaa kas ocda magaalada Muqdisho, kadib markii dadweyne careysan isugu soo baxeen isgoyska Ex. Kontrol Afgooye ee qaraxu ka dhacay.

Dadka bannaanbaxaya ayaa xiray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, waxayna dhagxaan ku shidayaan Gaarigii isku daya inuu wadadaasi maro, iyado gubaya lugaha baabuurta.

Dadka banaanbaxa wada ayaa sheegay inay ka horjeedaan ciidamada dowladda oo Jiingad ku xiray goobtii ay ganacsiyada ku lahaayeen ee Ex. Koontrol Afgooye Qaraxa kadib, ayna tuhunsan yihin in dowladda ay la wareegeyso si ay ganacsato kale u siiso.

Bannaanbaxayaasha ayaa markii dambe ku dhawaaqayay ereyo ay uga so horjeedaan madaxda Dowlada Soomaaliya, iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay ka yihiin: “FARMAAJO DOONI MEYNO…”

Bannaanbaxa ayaa weli kas ocda Ex. Kontrol Afgoye, wuxuuna kusoo beegmayaa iyadoo uu magaalada Muqdisho ka socdo bannaanbax kale oo ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya, siiba maamulka Gobolka Banaadir kaasoo looga horjeedo Ashabaab.

81947266_497206887860885_553951527925763 82109252_497206844527556_170320870902857 Bannaanbax-ex_kontol.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this