Deeq A. Posted January 2, 2020 Muqdisho (SMN) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee mudaaharaad looga soo horjeedo Al-Shabaab ayaa ka socota Muqdisho. Mudaaharaadka ayaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan madax ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda. Dibad-baxa ayaa ka dhashay qaraxii shacabka badan ku dhinteen ee isgoyska Ex-kontarool Afgooye kaasoo Al-Shabaab sheegatay. Ku dhowaad 90 qof ayaa ku naf-waayay falkaas, waxaana ku dhaawacmay tirro kale oo ka badan 100 qaarkoodna dibada looq aadey. Weerarkaas ayaa noqday midkii saddexaad ee ugu dhimashadda badnaa taariikhda casriga ah ee guud ahaan Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites