Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Dani Oo Digniin u Diray Ciidamada Xirta Waddooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa digniin u diray ciidamada inta ay gadoodaan misane xira waddooyinka ama joojiya shaqooyinka ka socda xarumaha muhiimka ah ee maamulkaasi.

Wuxuu sheegay in marnaba aan loo dulqaadan doonin ciidamo ku dhaqaaqa falalkaasi, tallaab adagna laga qaadi doono.

Dani ayaa tilmaamay in laga soo gudbay waqtiyadii ciidanku rabitaankooda ku muujin lahaayeen carqaladeynta shacabka ama habsami u socodka nidaamka dowladnimada.

“Looma dulqaadan doono ciidan xirta waddooyinka misane dhahaya waa in wax hebel naloo sameeyaa, ama wax hebel ayaan rabnaa” ayuu yiri Dani.

Dhowr jeer, ciidamo Puntland ah ayaa xirtay waddooyin muhiim ah, iyaga oo ka carreysan sida ay sheegeen mushaar la’aan iyo wax la mid ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this