Sign in to follow this  
Deeq A.

Bannaan-bax maanta ka dhacaya Muqdisho iyo waddooyinka oo xiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqddisho, halkaasi oo la filayo in saacadaha soo socda uu ka dhaco bannaan-bax uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.

Bannaan-baxa ayaa looga horjeedo Qaraxyada iyo dilalka malayshiyaadka Al-shabaab ka wadaan magaalada Muqdisho, gaar ahaanna Qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee 28-ki  bishi December 2019 ka dhacay Isgoyska Ex-Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Bannaan-baxa ayaa sida qorshaysan lagu qaban doonaa, Kulliyada Tababarka Ciidamada Booliiska Jeneraal Kaahiye, halkaasi maamulka gobolka Banaadir uu amray in la isugu geeyo dad laga soo uruuriyay degmooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, si ay bannaan-baxa uga qeyb qaataan.

Sidoo kale Ammaanka Magaalada muqdisho ayaa si weyn  loo adkeeyay, waxaana waddooyinka lagu daadiyay Ciidamada Amniga si looga hortago weerarro kale oo Al-shabaab ka gaystaan Muqdisho xilliga bannaan-baxu socdo.

PUNTLAND POST

The post Bannaan-bax maanta ka dhacaya Muqdisho iyo waddooyinka oo xiran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this