Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal oo leysku adeegsaday hub culus ayaa u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda garab ka helaya AMISOM.

Xarakadda Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay beegsatay fariisin ay ciidamadda ku leeyihiin xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Khasaaro kala duwan ayaa la sheegay in uu ka dhashay iska hor-imaadka oo muddo saacado ah socday.

Dhinaca kale, madaafiic ay ciidamadda AMISOM tuureen kadib weerarka ayaa la tilmaamay in uu rayid waxyeeleeyay.

Inta badan gobolka waxaa dagaalo kharaar uu ku dhexmaraa ciidamadda AMISOM iyo kuwa dowladda oo isku dhaca iyo Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this