Deeq A. Posted January 2, 2020 Marka (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaal oo leysku adeegsaday hub culus ayaa u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda garab ka helaya AMISOM. Xarakadda Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay beegsatay fariisin ay ciidamadda ku leeyihiin xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Khasaaro kala duwan ayaa la sheegay in uu ka dhashay iska hor-imaadka oo muddo saacado ah socday. Dhinaca kale, madaafiic ay ciidamadda AMISOM tuureen kadib weerarka ayaa la tilmaamay in uu rayid waxyeeleeyay. Inta badan gobolka waxaa dagaalo kharaar uu ku dhexmaraa ciidamadda AMISOM iyo kuwa dowladda oo isku dhaca iyo Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites