Sign in to follow this  
Deeq A.

Filish oo “munaafiqiin” ku tilmaamay mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaadey siyaasiyiinta mucaaradka.

Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in hab-dhaqanka siyaasiyiinta uu yahay “munaafaqnimo”, sidda uu hadalka u yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Cumar Filish ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu qaadi doono talaabo ka dhan ah mucaaradka.

Dhawaqa culus ayaa kusoo aadaya xili dalka la filayo in ay sanadka dambe ka dhacdo doorashooyin xasaasi ah.

Hadalkan ayuu ka sheegay dhagax-dhiga dayac-tir lagu sameynayo xarunta degmada Warta Nabada oo 14-kii May, 2019, ay Al-Shabaab weerartay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this