Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Al-Shabaab Ay La Damacsan Tahay Diyaaradaha Shacabka Oo Laga War Helay + Maraykanka Oo U Digay Diyaaradaha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Maraykanka ayaa ka digtay in Diyaaradaha isticmaala Hawada Dalka Kenya ay Kooxaha Argagixisadu Weerarro la beegsadaan.

202011637134355053682521pl.jpg

Waaxda Duulista Hawada ee Maraykanka ayaa soo saartay digniin ah inay labada Bilood ee soo socda ay suurto-gal tahay in Argagixisadu ay weerarro la beegsadaan Diyaaradaha Isticmaala Hawada Kenya, gaar ahaan kuwa Maraykanku markay ku jiraan hawada Dalka Kenya.

Waaxda Duulista hawada ee Maraykanku waxay sheegtay in Kooxaha Xag-jirka ahi ay Weerarradaa u adeegsan karaan noocyada Hubka oo uu ku jiro Hubka lidka diyaaradaha, Gantaallada iyo Hubka yaryar xilliyada ay hawada ku jiraan Diyaaraduhu ama fadhiyaan Garoomada.

Waaxda Duulista oo digniintan soo saartay Toddobaadkii hore ayaa si gaar ah uga digtay in la weerarro Diyaaradaha qaada Rakaabka Rayidka ah ee ka diwaangashan Dalka Maraykanka, waxaana si gaar ah Digniin ay ugu dirtay Dadka raaca diyaaradahaasi

“Dadkaas waxa lagula talinayaa inay taxadaraan markay ku duulayaan Gudaha ama waa inay ka wareegaan hawada Bariga Dalka..” ayaa lagu sheegay Digniinta ka soo baxday Hay’adda Federaalka Maraykanka u qaabilsan Duulista hawada ee loo yaqaanno FAA.

Digniintan ayaa Hay’addu sheegtay inay dib u eegis ku samayn doonto 26-ka February, 2020.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this