Sign in to follow this  
Deeq A.

Khalkhal  Amni oo ka jira magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Khalkhal  Amni oo ka jira magaalada Muqdisho
 

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii xooganaa ee Ex-Control Afgooye waxaa soo badanayey qal qalka amni ee ka jira magaalada Muqdisho.

Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa sidoo kale aad u adkeeyey amniga, gaar ahaan waddada Maka Al-Mukarama oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan ee Caasimada.

Sidoo kale ciidamada amniga, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa barqadii maanta isku hareereeyey gaari Saarif ah oo yaallay inta u dhexeysa shaqaalaha iyo waddada Xaaji Baasto, halkaasi oo muddo hakad la galiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Gaariga oo ay cidna saaryneyn ayaa looga shakiyey inay saaran yihiin walxaha qarxa, balse waxaa markii dambe yimid qofkii lahaa, iyadoona ay xaalada caadi ku soo noqotay.

Shalay galab sidaan oo kale ciidamada dowladda ayaa isku hareeyey gaari ku baakinaa waddada Maka Al-Mukarrama, gaar ahaan laamiga dhiniciisa, meel aan ka fogeyn halka loo yaqaano Xaaji Baasto, waxaana in muddo ah xirnaa dhaq dhaqaaqa waddadaasi.

Ciidamada ayaa markii dambe furay waddada, kadib markii uu yimid qofkii lahaa gaariga oo su’aalo ay weydiiyeen saraakiisha hay’adaha amniga, laguna ogaaday in uusan sidin qarax.

Arrintaan ayaa muujineysa, sida ay u feejigan yihiin ciidamada Booliska, kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wixii ka dambeeyey weerarkaasi dowladda federaalka ayaa loogu baaqayey inay wax ka bedasho qorshaheeda amniga, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this