Deeq A. Posted January 1, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo saaka ka dhacay gudaha degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala eegtay ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ka holwgala degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore saldhig milatari oo ciidamadaasi ku leeyihiin halkaasi. Ugu yaraan labo askari oo ka kala tirsanaa labada dhinac ayaa ku dhintay qaraxaan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ay xaqiijisay inay ku dishay labo askari oo uu mid ka mida ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Itoobiya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxaasi. Xaaladd ayaa hadda degan, waxaana baaritaano kooban ciidamada huwanta ay ka sameeyeen gudaha degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites