Deeq A. Posted January 1, 2020 Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye oo weli ku sugan Dhuusamareeb ayaa kulan isugu yeeray odayaasha dhaqanka ee Galmudug. Kulanka oo ah mid deg deg ah ayaa waxaa looga arrinsanayaa qorshaha soo xulista xildhibaanada cusub ee maamulkaasi,sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in beelaha qaar ay tabasho ka ka keeneen 20-tankii xubnood ee ay dhowaan soo xushay Ahlu Sunna, taas oo kulankaan soo dadajisay. Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa kulamo gooni gooni ah ka wada Dhuusamareeb, kuwaas oo uu la leeyahay hoggaanka Ahlu Sunna. Intooda badan kulamadaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Dowladda federaalka ayaa waqti badan ku bixisay Dhismaha maamulkaan oo muddo dheer soo jiitamayey, inkastoo haatan uu marayo wejigiisii ugu dambeeyey. View the full article Share this post Link to post Share on other sites