Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Odayaal maxkamad soo taagtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Siyaasiga caanka ee Muuse Cali Jaamac iyo qaar ka mid odayaashii dhaqanka ee dhowaan lagu xiray magaalada Boosaaso ayaa maanta dowlad goboleedka Puntland waxa ay soo taagtay maxkamadda darajada koowaad ee G/Bari.

Maxkamadda ayaa u fariisatay dacwadda loo heysto siyaasigaan iyo odayaasha kala ah, Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble iyo Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo), kuwaas oo lagu eedeeyey arrimo la xariira kicin dadweyne

Ugu horreyn maxkamada ayaa dhageysatay eedaha xeer ilaalinta, iyadoona intaasi kadib ku dhawaaqday in markale la’isugu soo laaban doono dhageysiga dacwadda maalinta Axada ee todobaadka dambe.

Siyaasiga Muuse Cali Jaamac iyo odayaasha dhaqanka ee la xiran ayaa xabsiga ku jira ku dhowaad muddo bil ah.

Xarigooda ayaa sidoo kale Boosaaso ka abuuray xiisad xoogan oo u dhexeysa xukuumadda Siciid Deni iyo waxgaradka ku dhaqan magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this