Deeq A. Posted January 1, 2020 Taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar, Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile ayaa si rasmi ah xil ka looga qaaday, kadib markii dhowaan dib loogu celiyey shaqada. Wararka ayaa sheegaya in taliyaha ciidanka Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu gabi ahaan xil ka ka xayuubiyey Xirsiile. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xil kaasi loo magacaabay, Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye oo bedalaya, Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile. Taliyihii hore ee xabsiga dhexe ayaa dhowaan mid ka mid ah isbitaalada magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kala soo baxay bukaan xabsiga dhexe ku xanuunsaday oo markii dambe geeriyooday, kaas oo lagu macaabayey, Xasan Kurtun Calasow. Arrintaan ayaa waxaa si aad ah uga xumaaday dad badan, kadib markii muuqaal laga duubay xilligaasi taliye Xirsiile la soo dhigay baraha bulshada ee Internet-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites