Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii xabsiga dhexe ee XAMAR oo xil ka laga qaaday iyo mid kale oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar, Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile ayaa si rasmi ah xil kii looga qaaday, kadib markii uu dhowaan shaqada dib ugu celiyey taliyaha ciidamada Asluubta, Mahad Cabdraxmaan Aadan.

Dowladda federaalka ayaa soo faragelisay arrintaan, iyadoona ka hortagtay tallaabadii shaqada dib loogu soo celiyey taliyahaasi.

Taliyaha cusub ee Xabsiga dhexe ayaa axaa loo magacaabay, Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Xirsiile ayaa waxaa horay looga soo duubay muuqaal, isagoo mid kamid ah isbitaalada Muqdisho kala soo baxay bukaan xabsiga dhexe ku xanuunsaday oo ay dhakhaatiirta xabsiga sheegeen inaan wax looga qaban karin isbitaalka ku yaal gudaha xabsigaasi.

Bukaankaas oo lagu magacaabi jiray, Xasan Kurtun Calasow oo ku jiray xaalad halis ayaa ugu dambeyn ku geeriyooday xabsiga dhexe ee Xamar.

Arrintaas ayaa sababtay in dad badan oo daawaday muuqaalka la dhigay baraha bulshada ay ka caroodeen falkaan naxtinta leh , iyadoona sidoo kale ehelladada marxuumka ay dalbadeen in xil ka laga qaado taliyaha, misana la hor keeno cadaalada.

Xil ka qaadistaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan labo maxaabiis ah oo u xirnaa Al-Shabaabnimo ay ka baxsadeen xabsiga dhexe ee Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this