Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuuriyada Waqooyi Oo Hanjabaad Culus U Dirtay Mareykanka.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pyongyang)-Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay inuu soo afjarayo hakinta nukliyeerka iyo tijaabada gantaallada riddada dheer, sidii la isku afgartay wadahadalladii uu dalkiisa la yeeshay Mareykanka.

Kiim-750x430-1.jpg

Mr Kim ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisa uu dhowaan soo saari doono “hub cusub”.

Balse wuxuu albaabbada u furay wada xaajood, isagoo sheegay in xaddiga tijaabada hubkiisa ay ku xirnaan doonto sida uu Mareykanku u dhaqmo.

Wadahadalladii Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa burburay iyadoo xukuumadda Washington ay ka biya diidday inay cunaqabateynta ka qaaddo Kuuriyada Waqooyi ilaa ay Pyongyang si buuxda u joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhowr gantaallo tijaabisay dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2019, tijaabadaas oo loo arkayay inay cadaadis ku saareyso Mareykanka.

Balse joojinta tijaabada nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer ee gaari kara dhulka Mareykanka, waxay aasaas u ahaayeen wada xaajoodyadii uu dalkaasi la yeeshay Mareykanka.

Pyongyang ma aysan fulin tijaabooyin noocan ah tan iyo sanadkii 2017. Tijaabo dheeraad ah oo ay sameyso ayaa laga yaabaa inay caro geliso madaxweyne Donald Trump, iyadoo Mareykanku uu galayo sanad doorasho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this