Deeq A. Posted January 1, 2020 Taliyaha qeybta Booliska gobolka Baay, Amiin Maxamed Daruur oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka warbixiyey ammaanka guud ee gobolkaasi. Daruur ayaa sheegay in sanadkii tagay ee 2019-kii ay wax badan ka qabteen arrimaha ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka K/ Galbeed. Sidoo kale wuxuu sheegay inay wada shaqeyn fiican la leeyhiin shacabka, islamarkaana ay hormarin doonaan nabad gelyada deegaanka. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in sanadkaan cusub ee 2020-ka ay u qorsheysan yihiin howlgallo cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, si looga saaro gobolka Baay. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo inta badan weeraro xoogan ka fuliya deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites