Sign in to follow this  
Deeq A.

Marwada dalka oo booqatay isbitaallada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa xalay booqatay qaar ka mid ah dhaawacyada ku waxyeeloobay qaraxii xooganaa ee Ex-Kaantarool.

Marwo Seynab ayaa warbixin ku saabsan xaaladda caafimaad ee dhaawacyadan ka dhageysatay dhakhaatiirta iyo maamulka Cusbitalka Ordogaan, iyagoona faahfaahin ka siiyay hannaanka ay u maareeyeen dhaawacyadii halista ahaa ee loo qaaday dalka dibaddiisa.

Sidoo kale, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa la kulantay qaar ka mid ah qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta ku dhaawacmay qaraxii Ex-Kaantarool, waxa ayna u sheegtay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay garab taagan yihiin.

Ugu dambeyn, Marwada koowaad ee dalka ayaa u mahadcelisay dowladaha aan walaalaha nahay ee gurmadka caafimaad ee degdega ah lasoo gaaray muwaadiniinteenna ku dhaawacmay qaraxaas, waxa ayna tilmaamtay in garab istaaggoodu aanu ka go’ayn xusuusta dadka Soomaaliyeed.

IB0A0948-1024x683.jpg IB0A0970-1024x683.jpg IB0A0973-1024x683.jpg

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this