Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn xoogan oo ka dhacday gobolka Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faa faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn xoogan oo xalay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta oo ay geysteen diyaarado aan heybtooda la garan ayaa waxaa laga fuliyey agagaarka degmada Dhoobley ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay inay maqlayeen daryanka gantaallo culus oo ay ridayeen diyaaradahaasi dagaal.

Ma cadda illaa iyo hadda khadaaraha ka dhashay duqeyntaan, waxaana aad u xun qadka isgaarsiinta deegaanada la duqeeyey.

Gobolka Jubbada Hoose oo ay weli meelo badan kaga sugan yihiin Al-Shabaab ayaa waxa inta badan ka dhaca weeraro dhanka cirka ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this