Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Khayre oo la kulmay hoggaamiyaha Ahlu Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Dhuusameeb ee xarunta Galmudug waxaa uu kula kulmay hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud.

Kulankooda ayey kaga wada hadleen dhammeystirka dhismaha Galmudug loo dhanyahay iyo sidoo kale in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo dhismaha maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Hogaamiyaha Ahlu Sunna uu socday muddo, islamarkaana ay ka wada hadleen xaaladda Galmudug iyo dhismaheeda.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey waxaana halkaas howgalo isdabajoog ah kawada Ciidanka qalabka sida.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this