Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre iyo Macallin Maxamuud oo ku kulmay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali khayre ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Hoggaamiyaha Kooxda Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheikh Xassan.

 Kulanka labada mas’uul ayaa sida la sheegay  looga wada hadlay  dhammeystirka dhismaha Galmudug loo dhanyahay iyo sidoo kale in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo dhismaha maamulka Galmudug.

Wararkii u dambeeyay ee laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli khilaaf ka taaganyahay xulista xildhibaannada cusub ee dowlad goboleedka Galmudug kuwaasi oo qorshuhu ahaa in shalay lagu dhawaaqo balse mar kale dib u dhac ku yimid.

Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna ayaa ku heshiiyay in Ahlusunna xildhibaannada cusub laga siiyo saami dhan 20 xubnood iyadoo Ahlusunna durba soo gudbiyeen liiska xildhibaannada u matalaya Galmudug inkastoo la sheegayo in dowladdu diidantahay.

PUNTLAND POST

The post Khayre iyo Macallin Maxamuud oo ku kulmay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this