Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa dhacay sanadkii tegay? Maxaase ugu dhaawac weynaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Taariikhda ugu weyn ee caalamku ku xisaabtamo kal-tirsiga ee la yiraado miilaadiga ayaa saacado ka hor qaar kamid ah dunida gashay curashada sanadka cusub ee 2020.

Sannad waliba waxa uu leeyahay sumado iyo waxyaabo lagu xasuusto oo dhib iyo dheefba noqon kara, Soomaaliya sanadkii tegay 2019 waxaa ka dhacay is-badalo siyaasadeed iyo amniga iyo sidoo kale dhacdooyin kale oo murugo iyo farxadba xambaarsan.

 Taxanaha dhacdooyinkii ugu waaweynaa Puntland 2019

January 1, 2019: Waxaa maanta oo kale sanadkii tegay la dhaariyey xubnaha Baarlamaanka shanaad ee Puntland, Golaha oo ahaa 65 nin iyo hal gabadh,waxaa  ku jiray 49 weji oo cusub, halka 17 xubnood oo kale ay ka soo laabteen Baarlamaankii hore, waxayna Guddooomiye ku meel gaar ah u doorteen Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye oo ahaa ninka ugu da’da weynaa.

January 4, 2019: Baarlamaanka Puntland ayaa Guddoomiye u doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed), kadib markii uu wareegga labaad helay 43-cod. halka musharaxii wareegaas ula gudbay Cabdijamaal Cismaan uu helay 23-cod, sidoo kale waxaa Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan loo doortay Guddoomiye ku xigeen, halka Abuukaate Ismaciil maxamed Warsame loo doortay Guddoomoye  ku xigeenka labaad.

January 8, 2019: Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo doortay madaxweynaha Puntland ee 5 sano, kadib markii uu 35-cod ka helay wareeggii seddaxaad ee doorashada, Asad Cismaan Diyaano oo kula tartamayay wareegga saddexaad ayaa isna helay 31-cod, sidoo kale Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka Puntland, kadib markii uu wareegii u dambeeyay  47-cod kaga guuleystay Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo la tartamayay, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaana maalintaas oo Talaado ahayd la mariyey dhaarta Dastuuriga ah.

January 14, 2019: Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa si toos ah xilka ugala wareegay madaxweynihii hore, Cabdiweli Gaas iyo Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey).

January 26, 2019:  Waxaa la caleema-saaray madaxda Puntland, waxaana ka qeybgalay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh, madaxda dowlad goboleedyada dalka, Ra’ iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenadoodii, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Baarlamanka iyo wasiirada heer Federaal iyo maamul goboleed, safaaradaha dalalka qaarkood, xubno ka socda IGAD, Midowga Afrika, UNSOM iyo marti sharaf kale.

February 4, 2019: Magaalada Boosaaso, ayaa lagu toogtay maamulihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Mr. Paul Anthony Farmosa oo u dhashay dalka Talyaaniga, xili subax ah oo u socday shaqada, sidoo kale weerarkaas waxaa lagu dhaawacay ku xigeenkiisii Mohamed Osman, ninkii weerarkaas geystay oo magaciisa ku sheegay Cabdullaahi Ibraahim Maxamed ayaa isagoo dhaawac ah islamarkiiba la qabtay, balse saacado kadib ayuu geeriyooday, masuuliyadda dilka Paul waxaa sheegtay ururka Al-shabaab oo koox ka tirsan ay ka dagaalamaan buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari.

February 10, 2019: Madaxweyne Deni ayaa magacaabay Gole xukuumad cusub oo ka kooban 48 xubnood, oo isugu jira wasiiro, wasiiro-ku xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, waxaana ku jiray 4 haween ah, xukuumadda Deni waxba kama badalnayn qaab-dhismeedkii xukuumadihii hore, wuxuuna la maqnaa 33 berri, sida Dastuuriga ah waa 21 berri, balse Baarlamaanka ayuu hortegay oo muddo kordhin u sameeyey.

February 24, 2019: Gabar da’yar oo lagu magacaabi jiray Caasho Ilayaas Aadan ayaa la afduubay, kufsi wadereed iyo dil ayaa la isugu daray, saacado badan kadidbna maydkeeda ayaa la soo dhigay albaabka hore ee gurigooda oo ku yaallay xaafada Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo, dhacdadaas foosha xun aad ayaa looga coroodey, waxaana magaalooyin badan oo Puntland ah ka dhacay mudaharaadyo looga soo horjeedo islamarkaana lagu dalbanayo in caddaalad loo raadiyo marxuumad Caasha Ilyaas oo si banii’aanimada ka baxsan kufsi iyo dil loogu geystay Gaalkacyo, dowladduna waxay sheegtay in goob fagaare ah lagu ciqaabi doono cid kasta oo ay ku caddaato jariimadaas. Kiisa Caasha waxaa loo soo qabtay 10 qof, 7qof waxba waa lagu waayey, halka 3 nin lagu helay kiiskan ayna maxkmadaha Darjada kowaad Nugaal, Racfaan iyo maxkamada sare ku rideen xukun dil toogasho ah, balse wali lama fulin go’aanka maxkmadda.

March 8, 2019: Magaalada Boosaaso waxaa maalin Jamce ah lagu dilay Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo kamid ahaa isimada dhaqanka Puntland, suldaanka ayaa nin hubaysan ku dhex dilay masjidka Mubaarak oo ku yaalla xaafadda Laanta-hawada, waxaana suldaanka oo dhaawac culus soo gaaray loola cararay isbitaal, halkaas oo uu ku geeriyooday.

May 5, 2019: Magaalada Garowe, waxaa ka furmay shir wada-tashi ah oo u dhexeeyey xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada, waxaana ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo duqa Muqdisho, nasiib darro muddo shan berri ah oo shirkaasi socday wuxuu ku dhamaaday fashil iyo iyadoo aan waxba laysku afgaran.

May 27, 2019: Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay, guud ahaan wada-shaqeyntii kala dhexasyay dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac.

May 31 iyo June 1, 2019: Roobab mahiigaana oo ka da’ay deegaanada Puntland ayaa burbur xooggan u geystay wadada isku xirta magaalooyinka waaaweyn ee Puntland.

July 15, 2019: Garoonkadiyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe, waxaa laga daahfuray duulimaadyada shirkadda caalamiga ah ee Ethiopian Airlines, wuxuu ahaa duulimaadkii ugu horreyey ee Puntland iyo caalamka isku xira, waxayna sahashay in dad badan oo muddo dalka ka maqnaa ay dib ugu soo laabtaan. Ethiopian Airlines ayaa hadda maalin walba duulimaad ka sameysa caasimada Puntland ee Garowe.

September 15, 2019: Magaalada Garowe ayaa laga furay shirkii Maalgashiga Puntland oo lagu soo bandhigay fursadaha Maal-geshi ee ka jira Puntland, waxaana ka qeyb-galay ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa Ajnabiya oo ka kala socda dalal ka tirsan Afrika, wadamada Carabta, Shiinaha iyo Eeshiyada kale, kuwaasi oo muddo saddex berri loo soo bandhigayey fursadaha maal-geshi iyo kuwa ganacsi ee ka bannaan gudaha Puntland.

October 13, 2019: Puntland ayaa xoriyadda hadalka ku xirtay siyaasi Muuse Cali Jaamac, siyaasiga ayaa inta aan la xirin wareysi uu siiyey Puntland Post ku faahfaahiyay shir ay ku dhaliileen xukuumadda Puntland oo ay war-murtiyeed ka soo saareen. Muuse saddex maalmood kadib ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis-maxkamadeed.

October 26, 2019: Khilaaf huursanaa oo u dhexeeyey labada Gole ee sharci-dejinta iyo fullin Puntland ayaa banaanka u soo baxay furitaanka kalfadhigii 45-aad ee Golaha Wakiilada Puntland, waxaa xafladii daafurka ka dhashay hadalo kulul iyo buuq lagu kala tagay, Xildhibaan Cawil Daad ayaa su’aal ay dad badani dhaliileen hab anshaxeeda weydiiyey Madaxweyne Deni, balse madaxweynaha ayaa si caro leh oo dulqaad-yari ka muuqato uga jawaabay weydiintaas, kadibna si deg deg ah uga baxay hoolka Baarlmaanka oo ay marti sharaf badan ku sugnayd.

November 6, 2019: Khilaafkii sharci-dejinta iyo fulinta, wuxuu sababay in xili habeen ah ciidamo kawada tirsan Puntland ay ku dagaalamaan afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka Puntland, waxaana dhacdadaas ku dhintay, Ganacsade Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) oo caan ka ahaa Puntland, xarun ganacsina ku heystay meel u dhow xarunta Baarlamaanka iyo sidoo kale labo askari oo ka tirsanaa ciidamadii iska hor-imaadku dhexamray.

November 7, 2019: Guddoomiyihii Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa xilkii Guddoomiye laga qaaday, 49 xubnood oo kamid xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah xilka kaga qaaday Dhoobo, mooshinka xilka qaadista waxaa lagu eedeeyey xukuumadda, bale Madaxweyne Deni oo su’aashaas xili dambe la weydiiyeyn ma dafirin ee waxa uu sheegay in xukuumaddu ay qorshe la iman-karto, balse aysan go’aanka codeynta la’hayn.

November 13, 2019: Xili duhur ah waxaa kantaroolka laga soo galo magaalada Boosaaso ka dhacay iska hor-imaad kooban oo dhexmaray ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan iyo ciidan kale oo ka soo ruqaansaday degmada Carmo, inta la xaqiijiyey hal askari ayaa dhintay, halka ay ku dhaawacmeen labo kale, ciidamadii ka soo ruqaansaday Carmo oo Tikniko farabadan watay waxaa hoggaaminayey Ciise Yulux oo ka mid ahaan jiray hoggaamiyaashii burcad badeedda Soomaalida kuwii ugu caansanaa, waxayna markii dambe si xooga gudaha ugu galeen magaalada Boosaaso, iyagoo fariisimo ka sameystay dhowr meelood oo ay ka mid tahay xarunta shirkadda PDG ee taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF, xiligaas waxaa taagnaa xiisad u dhaxaysey mulkiilayaasha shirkadaas iyo dowladda.

November 14, 2019: Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland, ayaa Guddoomiye cusub u doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kadib 46-cod oo helay wareegii labaad, halka musharrixii ku soo xigay Cabdi jamaal Cismaan Maxamed uu helay 17-cod.

November 15, 2019: Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa xal ka gaaray xiisad ka taagnayd magaalada Boosaaso oo u dhaxeysay madaxda PDG iyo dowladda, waxayna magaalada ka saareen ciidamdii soo galay 13-ki November.

November 30, 2019: Puntland ayaa Boosaaso ku xiray Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble iyo Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo), waxaana dhammaantood xabsiga la dhigay, kadib markii ay dhaliilo u jeediyeen heshiisyo xukuumadda Puntland kula jirto shirkado laga leeyahay dalka UAE, ilaa hadda waa xiran yihiin iyagoo aan caddaalada la geyn.

December 2, 2019: Puntland ayaa mar kale xabsi dhigtay siyaasi Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale  ay shir ay qabteen dhaliilo kala duwan u jeediyeen xukuumadda madaxweyne Deni, wuxuuna xasbiga weyn ee Boosaaso ku jiraa hadda muddo 30 berri ah, isagoo aan wax maxkamad ah la geyn, waxaana na soo gaartay in uu mar ku xanuunsaday xabsiga.

December 5-8, 2019: Roobab ka da’ay deegaano ku teedsan xeebaha Puntland, oo meelaha qaar dabeylo watey ayaa barakiciyey dad badan oo ku noolaa degmooyinka Eyl, Bandarbayla, Caluula iyo Laasqoray, kadib markii ay burburiyeen beero, guryo, waddooyin iyo kaabayaal kale oo ay ku tiirsaneyd noloshooda.

December 10, 2019: Baarlamaanka Puntland ayaa xasaanaddii xildhibaanimo ka qaaday Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed Guddoomiyihii hore .

Taxanaha dhacdooyinkii waaweynaa ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

January 2, 2019: Dowladda Soomaaliya ayaa xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u gudbisay in dalka aan looga baahneyn Nicholas Haysom, oo ahaa ergaygii gaarka ahaa ee arrimaha Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad ayaa ku eedeeyay Haysom in uu ku xadgudbay qaranimada dalka Soomaaliya, islamarkaasina uu u dhaqmay sidii in uu dalka isaga maamulo.

May 30, 2019: Qaramada Midoobay ayaa wakiilkii hore ee Soomaaliya Nicholas Haysom ku soo badeshay James Swan oo u dhashay Mareykanka.

July 13, 2019: 26 qof ayaa dhintay, halka ay ku dhaawacmeen 56 kale, weerar qaraxyo iyo dagaal toos ah wata oo Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Madiina ee magaalada Kismaayo, dadkii weerarkaas ku dhintay waxaa kamid ahaa Hodan Naaleeye oo ahayd wariye ka faaloota arrimaha bulshada iyo saygeedii oo horay u soo noqday wasiirka ganacsiga Jubbaland, Jaamac C/raxmaan Fariid, wariye Maxamed Sahal Cumar [Gacma-dheere] iyo madaxii hay’adda SAADO ee Koonfurta Soomaaliya, Deeq Ciise Webi.

July 22, 2019: Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku dhintay in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen qarax ka dhacay aga’gaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho

July 24, 2019: Ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 30-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray qarax is-miidaamin lagu sheegay oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxaana mas’uuliyadda qarxaas sheegtay Al-shabaab.

Dadka ku dhintay waxaa ka mid ah, afhayeenkii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahaana agaasimaha waaxda nadaafadda ee gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane iyo agaasimihii waaxda shaqada iyo shaqaalaha Gobolka Banaadir, C/llaahi Dheere.Waxaa kaloo ka mid ahaa xubnaha weerarkan naftooda ku waayay guddoomiyihii degmada Waaberi Mahad Cilmi Cali iyo guddoomiyihii C/casiis Safiya C/llaahi Asad, dadkii dhaawacyada culus ka soo gaareena waxaa kamid ahaa guddoomiyahi gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow.

July 25, 2019: Diyaarad kuwa ciidamada ah oo ay leedahay dowladda Qadar ayaa dhaawacii Duqa Muqdisho Eng. Yariisow iyo xubnaha kale ka qaadday garoonka Muqdisho, iyadoo loo qaaday dalka Qadar.

August 1, 2019: Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa magaaladda Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa ku geeridooday dalka Qadar, kadib dhaawacii cuslaa ee ka soo gaaray qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir July 24, 2019 .

August 22, 2019: Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha Jubbaland, kadib markii uu helay 56 cod oo kamid ah 74-ta mudane ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland. Isla maalintaas iyaguna Cabdinaasir Seeraar iyo Xildhibaan Xidig ayaa mid walba sheegtay in loo doortay madaxweynaha Jubbaland.

October 12, 2019: Axmed Madoobe ayaa Kismaayo lagu caleemo-saaray, waxaana ka qeybgalay madaxweyne Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, madaxda xisbiyada Muqdisho, siyaasiyiin iyo masuuliyiin Kenyaati ah.

October 26, 2019: Webiga Shabelle ayaa ku fatahay magaalada Beledweyne, waxayna taasi sababtay in kumanaan qoys ay ka barakacaan guryahooda.

November 20, 2019: Almaas Elman Cali Axmed oo la dhalatay gabadhii u sharraxnayd billadda Nabadda Nobelka ee Elwad Elman ayaa lagu dhex-dilay xarunta ay degan yihiin Safaaradaha iyo dibloomaasiyiinta reer Galbeedka ee loo yaqaanno XALANE, Muqdisho oo kamid ah meelaha sida weyn amnigooda loo ilaaliyo.

December 21, 2019: In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa oo lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir, oo weerarkaas ka badbaaday.

December 28, 2019: Qaraxa Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari xamuula oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa lala beegsaday goob canshuurta lagu qaado oo ku taalla Ex Kantarool Afgooye duleedka Muqdisho. Goobta qaraxu ka dhacay ayaa aad mashquul u ahayd, waxaana taagnaa gaadiid ay saarnaayeen dad u badan arday. In ka badan 100 qof oo shacab u badan ayaa ku dhintay musiibadaas, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Qaraxaas oo ahaa dhaawacii ugu weynaa ee Soomaaliya soo gaaray 2019, ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay labo Injineer oo Turki ah, kuwaas oo dhisayey wadada Afgooye iyo Muqdisho.

December 30, 2019: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in qaraxii Ex-Control Afgooye ka dhacay uu qorshihiisa lahaa dal shisheeye, balse magaciisa masheegin dalkaas.

December 30, 2019: Saacado kadib hadalkii NISA, Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxii lagu hoobtay Ex-Control Afgooye.

Soomaaliya sanadkii tegay 2019 wuxuu ku sagootiyey murugo iyo qaraxyo maalmihii sanadka u dambeeyey dad badan oo bulshada laf-dhabar u ahaa ku hoobteen.

PUNTLAND POST

The post Maxaa dhacay sanadkii tegay? Maxaase ugu dhaawac weynaa? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this