Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Howlgal lagu dilay 20 ka tirsanaa Al-Shabaab oo laga fuliyey SH/ HOOSE

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ay howlgallo ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaano cusub oo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad ee Danab,  Cismaan Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dileen ugu yaraan 20 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la wareegeen gacan ku heynta tuulooyinka Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in howlgalladu ay sii socon doonaan, inta Al-Shabaab laga saarayo gobolkaasi.

Xaaladda ayaa saaka ah mid yara degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

Maalmihii dambe ciidanka huwanta ayaa xoojiyey howlgallada ka socda koonfurta Soomaaliya.

3.jpg 1.jpg 2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this