Sign in to follow this  
Deeq A.

Qal qal amni oo ka jira Muqdisho iyo gaari laga shakiyey oo yaalla Maka Al-Mukarama

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dhacay weerarkii xooganaa ee Ex-Control Afgooye waxaa soo badanayey qal qalka amni ee ka jira magaalada Muqdisho.

Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa sidoo kale aad u adkeeyey amniga, gaar ahaan waddada Maka Al-Mukarama oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan ee Caasimada.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in goor dhow ciidamada amniga, gaar ahaan kuwa Booliska ay hareereeyeen gaari Saarif ah oo yaalla inta u dhexeysa isgoyska shaqaalaha iyo waddada Xaaji Baasto, halkaasi oo laga celinayo gaadiidka iyo dadweynaha intaba.

Gaariga oo ay cidna saaryneyn ayaa looga shakisan yahay inay saaran yihiin walxaha qarxa, iyadoona hadda uu ku socda baaritaan dheeraad ah.

Shalay galab sidaan oo kale ciidamada dowladda ayaa isku hareeyey gaari ku baakinaa waddada Maka Al-Mukarrama, gaar ahaan laamiga dhiniciisa, meel aan ka fogeyn halka loo yaqaano Xaaji Baasto, waxaana in muddo ah xirnaa dhaq dhaqaaqa waddadaasi.

Ciidamada ayaa markii dambe furay waddada, kadib markii uu yimid qofkii lahaa gaariga oo su’aalo ay weydiiyeen saraakiisha hay’adaha amniga, laguna ogaaday in uusan sidin qarax.

Arrintaan ayaa muujineysa, sida ay u feejigan yihiin ciidamada Booliska, kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wixii ka dambeeyey weerarkaasi dowladda federaalka ayaa loogu baaqay inay wax ka bedasho qorshaheeda amniga, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this