Sign in to follow this  
Deeq A.

Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo si wadajir ah u ansixiyay Miisaaniyadda 2020-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.

188 Xildhibaan ayaa ogolaatay Ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2020 , hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ka Aamuseen.

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka oo u codeeyay Miisaaniyadda Qaran ee  2020-ka oo cadad ahaan dhan $476,150,902 (Afar boqol todobaatan iyo lix milyan, boqol iyokonton kun,sagaal boqol iyo laba doolar) ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 188-Xildhibaan 1-Xildhibaan ayaa diiday sidoo kalena 2-Xildhibaan  ayaa ka aamustay sida uu natiijadda codeynta  ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Sidoo kale Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa Xildhibaanadda uga mahad celiyay Ansixinta miisaaniyad sanadeedka 2020.

Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan oo tira ahaan la’eg  $476,150,902 (Afar boqol todobaatan iyo lix milyan, boqol iyokonton kun,sagaal boqol iyo laba doolar) waxaa ka muuqda koror dhan 76-Million oo doolar marka loo eego miisaaniyadii sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka ,waxaa kale oo miisaaniyadan ka muuqata in ay ku koobantahay Kharashaadka adeega maamulka iyo difaaca Qaranka taasoo loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah qadar dhan $369,751,045 una dhiganta 77.7%, Arrimaha Bulshada oo loo qoondeeyay 64,450,722 una dhiganta  13.5% halka haraaga oo dhan $41,949,135 oo u dhiganta 8.8% qoondada miisaaniyadda 2020-ka loogu talo galay Hay’adaha dhaqaalaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacaka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda labada Aqal uga mahad celiyay sida ay u ansixiyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka.

PUNTLAND POST

The post Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo si wadajir ah u ansixiyay Miisaaniyadda 2020-ka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this