Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo tiro yaab leh kasoo saaray shacabkii ku dhintay qaraxii Ex-Control

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo saaray bayaan ay sheegeen inay ku faah-faahinayaan khasaaraha ka dhashay qaraxii 28-kii bishan ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qoraalkan oo Al-Shabaab ka soo baxay goor dhaw, kuna qornaa luuqadaha English iyo Carabi ayey ku baahiyeen warbaahinta taageerta waxay dadkii ku dhintay qaraxaas u kala saareen shacab, askar iyo ajaanib.

Tarada guud ee dhimashada uu sababay qaraxii Ex Control, ayey ku sheegeen 84 ruux, taasi oo ku dhow tiradii dowladda ay shaacisay oo ahayd 81.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa sheegay in tirada dadka shacabka ah ee weerarka ku dhintay ay yihiin 23, taasi oo xaqiiqda aad uga fog, maadaama dadka ku dhintay qaraxa ay badankood ahaayeen shacab.

Al-Shabaab ayaa tirada kale ee dhimashada ku sheegay, 21 Boolis ah, 6 Militeri ah, 9 NISA ah, 4 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha dowladda iyo 21 Turkish ah, sida loo dhigay qoraalkooda.

Markii laga reebo 23-ka qof ee shacabka ay ku sheegeen inta kale waxay ku tilmaameen kuwii ay beegsanayeen.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale tirada dhaawaca ku sheegay 69 qof, taasi oo aad u yar tirada 148-ka ah ee dowladda ay shaacisay.

Waxay faah-faahintaan ka soo baxday Al-Shabaab ku soo aadeysaa in ka badan 12-saac markii ay sheegteen mas’uuliyadda qaraxii dadka badan lagu laayey oo ay sheegashadiisa ka aamusnaayeen mudo labo maalmood ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this