Deeq A. Posted December 31, 2019 Sida ku qoran jadwalkii cusbaa ee ay soo saareen Guddiga Doorashada Galmudug, maanta oo ah 31-ka December waxay aheyd in la dhaariyo xildhibaannada Galmudug laakin ma dhicin. Waxaa kale oo jadwalka ku qornaa in inta u dhaxeysa 24-30-ka bishan ay aheyd xulista iyo shaacinta xildhibaannada Galmudug taasina Sidoo kale ma dhicin. Guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Cabdinadir Geelle oo horay wareysi u siiyey Goobjoog News ayaa xaqiijiyey inuu ku socon-doono jawdwalkan. Waa markii 2-aad ee uu guddigan ku fashilmo dhowrista jadwalka doorashada, lamana sida ay u fulin-doonaan hawlaha kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites