Deeq A. Posted December 31, 2019 Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay weerarkii ismiidaamiinta ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Cabdiqaasim Salaad ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay khasaaraha badan ee dadka rayidka ah ka soo gaaray qaraxaasi. Sidoo kale wuxuu Tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen dhacdadaasi, isagoo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deh ah. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay gacmaha is wada qabsadaan, kana shaqeeyaan midnimada, nabaddda iyo dib u dhiska dalka. Qarixii dhowaan ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye oo ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa ayaa waxaa ku dhintay 100 qof oo u badnaa dad rayid ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites