Deeq A. Posted December 31, 2019 Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in maanta ciidanka Xoogga dalka ay howlgallo ballaaran ka wadaan gobolkaasi. Howlgallada ayaa la sheegay in looga hortagayo isbaarooyin la soo dhigay deegaano hoostaga degmooyinka Wanla-Weyn iyo Afgooye. Saraakiil ka tirsan ciidanka milatariga dowladda federaalka Soomaaliya oo Idaacadda Shabelle ay la xariirtay ayaa sheegay inay weli socdaan howlgallada, islamarkaana ay dib ka faah faahin doonaan natiijooyinka ka soo baxa. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in ciidamadu ay isku fidiyeen waddooyin muhiimka ah ee gobolka, si looga sifeeyo isbaarooyinkaasi.. Sh/ Hoose ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayey jidgooyooyin tiro badan oo cabasho ay ka muujiinayeen gaadiidleyda gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites