Deeq A. Posted December 31, 2019 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulamo gooni gooni ah ka wada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda Galmudug. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaaday shaqaaqadii xalay Dhuusamareeb iyo arrimaha doorashooyinka ee maamulkaasi. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay gelinkii dambe gaaray Dhuusamareeb ayaa ka qeyb galaya dadaallada loogu jiro dhismaha Galmudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites