Sign in to follow this  
Deeq A.

R/wasaare Khayre oo kulamo xasaasi ah ka wada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulamo gooni gooni ah ka wada  magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda Galmudug.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaaday shaqaaqadii xalay Dhuusamareeb iyo arrimaha doorashooyinka ee maamulkaasi.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay gelinkii dambe gaaray Dhuusamareeb ayaa ka qeyb galaya dadaallada loogu jiro dhismaha Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this