Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cabdi Qaasim Saalad oo soo saaray baaq ka dhan ah AL-SHABAAB

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim salaad Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay qaraxii maalmo ka hor ka dhacay isgoyska Ex-Kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yihiin qaraxii lagu laayayay dadka shacaka ah,  islamarkaana waxaa uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka lagula jiro dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka dalbaday in ay midoobaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarka dalka, isagoona u duceeyay dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay dhexdooda is cafiyaan, sidoo kalana Al-Shabaab ay hal meel uga soo wada jeestaan.

Qarixii dhawaan ka dhacay isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dad ku dhow 100 tira intaasi ka sii badanna ay ku dhaawacmeen.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad ayaa kusoo aadayo xilli xalay Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas lagu dilay shacab badan.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay inay ka xun yihiin dadkii Shacabka ahaa ee ku dhintay weerarkaas isla markaasna aysan ujeedkooda aheyn inay dilaan dad shacab ah balse ay ka maarmi waayeen hadalkaas oo ay dad badan la yaabeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this