Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsi xoogan oo laga qabo inuu ‘Shutdown’ ku yimaado hay’adaha dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku leh magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay aqrintii ugu dambeysay ku mariyaan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka.

Haddii aysan maanta meel marin xildhibaanada baarlamaanka miisaaniyaddan waxa ay saameyn guud ku yeelan doontaa shaqooyinka hay’adaha kala duwan dowladda, taas oo sidoo kale saameyn doonta mushaaraadka shaqalaha rayidka iyo ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale muhiimada kulankaan wadajirka ayaa ah, si looga baaqsado ‘Shutdown” ku yimaada hay’adaha dowladda federaalka, maadaama uu beri bilaabanayo sanadka cusub.

Maxaa Loola Jeedaa Shutdown?

Haddii uu baarlamaanka federaalka ah anisixin waayo miisaaniyadda ka hor 1-da Janaayo 2020-ka  amaba iska diido oo xukuumadda federaalka ah dib ugu celiyo, hey’adaha dowliga ah waxaa ay galayaan “Shutdown”,  waxaa shaqo la’aan noqonaya xafiisyo badan oo  hey’adaha dowliga ah, waxaa mushaar la’aan noqon-doono shaqaalaha rayidka iyo ciidamada, waxaa ugu daran ciidamada waxaa ka go’i-doonna  raashiinka, saadka iyo waxyaabaha kale, waxaana ay wasaaradaha xukuumadda federaalka ah waayi-doonaan qarashkii howlaha lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, qarashkan intooda badan 6 bil ayuu horay uga maqnaa.

Saameynta ugu weyn, waa baarlamaanka federaalka ah oo fasax geli-doono mushaar la’aan, waxaa intaas dheer macalimiin iyo adeegyo gaar ah saameyn weyn soo gaari-doonto.

Xal Ma Jiraa?

Haddii kahor caawa aan la ansixin miisaaniyadda 2020-ka, oo dalku galo “shutdown”, waxaa qasab noqoneysa in saddexda bil ee ugu horeysa lagu shaqeeyo miisaaniyaddii 2019-ka, taasi oo qalqal maaliyadeed abuuri karta, waxna ka badali karta qoondada iyo ku-tagalka miisaaniyadda 2020-ka.

Tallaabta maanta isugu yimaadeen waa qorshe looga badbaadi karo “Shutdown” ku yimaada hey’adaha dowladda waase haddii la ansixiyo.

Kulanka Maanta:

Xildhibaannada Baarlamaanka labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxa ay Magaalada muqdisho ku yeelan doonaan kulan wadajir ah.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 3aad Miisaaniyadda Dowladda ee sanada 2020,iyada oo Xildhibaannada labada Aqal xalay lagu wargeliyey in uu jiro kulanka wadajirka ah ee labada Aqal.

Xigasho: Goobjoog FM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this