Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Mursal oo qaabilay madaxweynayaashii hore ee dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xalay hoygiisa casho sharaf ugu sameeyey madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galay xubno ka tirsan madashada xisbiyada Qaran ee uu guddoomiyaha u yahay, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Intii uu socday kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimo ku aadan doorashada dalka ee 2020/2021, gaar ahaan qodobo ku jira sharciga doorashooyinka ee la meelmariyey.

Waa kulankii ugu horreeyey ee dhexmara labada dhinac, tan iyo markii la dhisay madasha xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan axsaab siyaasadeed.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:

80993216_2701125869981649_8897100538361937920_n81419489_2701125713314998_1420768326748995584_n 81416960_2701125809981655_3062103079781400576_n 80591388_2701126323314937_8994161572276338688_n

madasha-mursal1 madasha-mursal.-696x460 madasha-mursal

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this