Sign in to follow this  
Deeq A.

Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo si wadajir ah u ansixinaya Miisaaniyada 2020-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta  wadajir ah u ansixiyaan odoroska Miisaaniyadda dowladda ee Sanadka 2020-ka.

Kulanka labada Gole ee maanta ayaa la filataa in ay si degdeg ah u ansixinaya odoroska Miisaaniyadda, si loo dhaqan-geliyo sannadka cusub ee 2020-ka oo bilaabanaya maalinta berriya.

Mudanayaasha  labada Aqal  ee Baarlamanka ayaa horay wasiirka Maaliyadda su’aalo uga weydiiyay odoroska Miisaaniyadda 2020, waxaana su’aalaha u badnaa sida loo isticmaalayo kharashaadka loo qoondeeyay hay’adaha dowladda.

Miisaaniyadda dowladda ee  sannadka  2020 ayaa oo gaaraysa  $459.5 Milyan oo Dollar waxaa ku jira in mushahaarka loo kordhiyay ciidamada Qalabka sida lana gaarsiiyay $200 Dollar bil kasta.

PUNTLAND POST

The post Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo si wadajir ah u ansixinaya Miisaaniyada 2020-ka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this