Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo xoog ku soo furatay ganacsato ay afduubatay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay xoog ku soo furatay ganacsato Soomaali Kenyaan ah oo dhowaan ay afduubatay kooxda Al-Shabaab.

Alfred Angengo oo ah sarkaal ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen Abdullahi Issack Harun iyo Abdi Hassan Ilkaase oo labaduba ahaa ganacsato, wuxuuna tilmaamay in laga afduubtay deegaanka Libooya ee dalkaasi.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa tilmaamay in ganacsatadaan lagu hayey deegaan lagu magacaabo Bagdad, kadibna ay weerar ku soo furteen raggaasi.

“Kaliya seddex ka mid ah Al-Shabab ayaa kaxaystay labada ruux iyaga oo la’aaday dhinaca Soomaaliya deegaan lagu magacaabo Bagdad oo 60 KM ujira Hosingo.” ayuu yiri Alfred.

Sarkaalkan oo sii hadlayey ayaa sheegaya in labada nin ee ganacsatada ah ay caafimaad qabaan, islamarkaana ay wanaagsan tahay xaaladooda.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay inay xoojin doonaan dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan xadka labada dal, si loo xaqiijiyo amniga deegaanada dhaca halkaasi.

Inta badan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya gobolka Waqooyi Bari Kenya, kuwaas oo uu khasaare ka soo gaaro ciidamada dalkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this