Deeq A. Posted December 31, 2019 Waxaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah ay kulan wadajir ah magaalada Muqdisho ku yeeshaan mudanayaasha Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kulankan oo noqonaya midkoodii Labaad oo xiriir ah, maadaama shalay ay sidan oo kale u kulmeen, ayaa looga doodayaa miisaaniyadda dowladda federaalka ee Sanadka 2020. Ajendaha kulankan ayaa loogu sheegay mudanayaasha inuu yahay akhrinta Saddexaad ee miisaaniyadda dowladda, waxaana la filayaa in mudanayaasha ay si aad ah u lafa guraan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites