Sign in to follow this  
Deeq A.

C/rashiid Khaliif: Haddii ay sida NISA wax u sheegtay ay u jiraan midbaa la rabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka cilmi barista siyaasadda ee Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo la hadlay VOA ayaa sheegay inuu saluugsan yahay qoraalkii shalay ka soo baxay hey’adda Nabad sugidda Qaranka ee NISA oo lagu sheegay in qaraxii 28-kii bishan Muqdisho ka dhacay ay ka danbeysay dowlad shisheeye.

Cabdirashiid ayaa sheegay in haddii ay wax ka jiraan qoraalka ka soo baxay NISA, ay aheyd inay soo bandhigto macluumaad dhameystiran, si cidda lagu tuhmo ama ay ku caddaato loogu jaheeyo eedaha iyo tuhunka laga qabo Al-Shabaab oo xataa madaxda dowladdu ay ku eedeysay.

Cabdirashiid Khaliif ayaa sheegay in qoraalka uu ula muuqday mid uu gadaal ka riixaayey dal kale oo maagaya sida Turkiga oo dad ay uga dhinteen qaraxaas, sidoo kalena uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo Imaaraadka Carabta.

Agaasimaha ayaa sheegay in ka hortaga qaraxaas ay mas’uuliyadda koowaad ka saarneyd dowladda, isla markaana ay aheyd in hadii fashil amni oo intaas la’eg uu dhacay dad shaqada looga ceyriyo, ama iyagu is casilaan, balse taas bedelkeed dad aan khibrad u laheyn shaqooyinkii loo dhiibayo.

Agaasimaha Machadka Heritage Cabdirashiid Khaliif ayaa sheegay, in haddii si ay NISA qoraalka u dhigtay ay wax jiraan, ay ku habooneed in kulan degdega ay iskugu yimaadaan madaxda sare ee dowladda sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Baaarlamaanka, si warbixin iyo xog dhameystiran loola wadaago shacabka iyo caalmakaba.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee Shabaab in ka badan 10 sano ay xasuuqa uga wadaan dalka ay tahay ganacsatada oo si xowli ah kharash badan ugu taageeraysa, si walbaba ha uga qaadeene iyo kala daadsanaan weyn oo ka dhex jirta dowladda iyo shacabka.

Ugu danbeyntii Agaasimaha ayaa sheegay in warbixinta NISA ay tahay mid macquul noqon karta maadaama mudo dheer ay dalkaan faragalin ku haayeen dalal shisheeye sida uu hadalka u dhigay. In wax la qarxiyo ayuu sheegay in looga bartay Al-Shabaab, balse hadii ay soo kordhaan wax kale dowladda looga fadhiyo inay cadeyso.

Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this