Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Xabsiga Dhexe oo shaqada lagu celiyay kadib markii maxaabiis Shabaab ah ay xabsiga ka baxsadeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa shaqada ku soo celiyay taliyihii Xabsiga dhexe Janaraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile, oo bartamihii bishaan shaqada laga joojiyay kadib markii uu xanuun u dhintay mid ka mid ah maxaabiista.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaysa in Janaraal Xirsiile, shalay loo geeyay warqad ka timid taliyaha Asluubta, taas oo faraysa in uu maanta shaqada ku soo laabto islamarkaana laga qaaday xayiraadii saarneyd, kadib markii la sheegay in uu dhamaaday baaritaankii ku socday.

Wararku waxay intaas ku darayaan, in sababta xayiraadda looga qaaday Janaraal Xirsiile ay ka dambeysay kadib markii uu soo baxay tuhun ah in la iibsaday xubnihii Shabaabka ahaa ee shalay galab xabsiga ka baxsaday.

Dadka yaqaana Xabsiga dhexe, iyo kuwa ka soo shaqeeyay, qaarkoodna ay hadda joogaan waxay aaminsan yihiin in aysan jirin maxbuus ka baxsan kara Xabsiga dhexe, oo ah aag aad loo ilaaliyo, sidoo kalane ay joogaan ciidan aan tiro yareen oo qaarkood ilaaliyo Maxkamadaha dalka oo halkaas ku yaalla.

Janaraal Xirsiile waxaa shaqada laga joojiyay 18-kii bishaan, kadib markii maxbuus la geeyey isbital uu kala soo baxay, kadibna uu maalmo kadib dhintay. Geeridaas ayaa sababtay dood badan oo ku saleesneed dayacaad la sheegay in ay ka timid taliska Xabsiga dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this