Deeq A. Posted December 30, 2019 Muqdisho (SMN) – Saddex maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay baxsadeen. Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in mid ka mid ahaa maxaabiista dib loo soo qabtay, balse weli ay maqan yihiin labada kale. Xubnaha baxsaday ayaa la tilmaamay in loo xukumay Al-Shabaabnimo. Mid kamid ah labadda lagu raadjoogo ayaa ku xukumanaa xabsi daa’in, halka kan kale uu ku xukumanaa 15-sano oo xarig ah. Saraakiisha ciidanka Asluubta ayaanan wali fahfaahin rasmi ah ka bixin qaabka ay shaqsiyaadkan uga baxsadeen xabsiga. View the full article Share this post Link to post Share on other sites