Deeq A. Posted December 30, 2019 Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay weerarkii dhimashadda dhaliyey ee ka dhacay Ex-kontarool Afgooye. Cali Maxamuud Raage [Cali Dheere] ayaa xusay in bartilmaameedkooda uu ahaa kolanyo ay la socdeen Injineero Turki ah. Cali Raage ayaa carabka ku adkeeyay ay ka xun yihiin khasaaraha shacabka kasoo gaarey, ayna tacsi u dirayaan eheladda dadkoodka ku waayey falkaas. Ugu dambeyntii, afhayeenka Al-Shabaab ayaa wacad ku maray in ay sii laba jibaarayaan dagaalka ka dhanka ah saraakiisha Turkida ah ee dalka ku sugan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in weerarkaas lagu dilay ku dhowaad 90 qof, ayna ku dhaawacmeen 130 kale, ayna jiraan tirro kale oo la la’yahay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites