Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhuusamareeb gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in mudada uu Ra’iisul Wasaaruhu  magaalada Dhuusamareeb joogo uu kulamo wadatashi ah la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug.

Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu sheegat in Mudane Xasan Cali Khayre uu u kuur geli doonaa arrimaha horumarinta bulshada, mashaariicda horumarineed iyo xaaladda amniga ee degaanka.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhuusamareeb gaaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this