Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur: “Qoraalka NISA waa mid Al-Shabaab looga leexinayo eeda xasuuqa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah guddoomiyaha Xisbiga Wadajir, ayaa ka hadlay qoraalkii kasoo baxay Hey’adda Nabad-Sugidda ee NISA ee lagu sheegay in qaraxii ka dhacay Ex-Control Afgooye ay ku lug leedahay dowlad shisheeye.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay in ujeedka qoraalka “uu yahay mid la doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed laguna qarinayo fashilka hayy’adda Nabad-Sugidda ee NISA”, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale qoraalka uu Cabdiraxaman soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in qoraalka NISA laga leeyahay “ujeedo ah in Al-Shabaab laga leexiyo eeda xasuuqii ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed.”

“Ujeedka qoraalkan laga leeyahay ma aha oo keli ah in shacabka lagu marin habaabiyo ama lagu qariyo fashilka hay’adda Nabadsugida, ee wuxuu kaloo ujeedkiisu yahay in argagexisada Alshabaab eeda xasuuqa laga leexiyo. Waxaa la oran karaa tani wadashaqayn Alshabaab way dhaafsiisan tahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Hadalka Cabdiraxmaan ayaa imaanayo xilli Maanta Hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay sheegtay in qaraxii ka dhacay Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho “uu qorshayntiisa lahaa” dal shisheeye.

Qoraal kooban oo NISA ay soo dhigtay barteeda twitter ayaa lagu yiri “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed  loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye.

Qoraalka NISA laguma magacaabin dalka qorsheeyey qaraxa, waana markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya dal shisheeye ku eedeyso qarax ka dhacay Muqdisho.

Wargeyska Yeni Safak ee dalka Turkiga, oo ah wargeys aad ugu dhow dowladda, ayaa qoray in dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Mohamed Bin Zayed Alnahyan uu amray qaraxaas, isaga oo beegsanaya Turkish-ka dhisayey waddada.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka caalamka qaarkiis.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this