Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg Deg: Al-Shabaab oo sheegtay qaraxii dadka badan lagu xasuuqay ee maalin ka hor ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay war ka soo saaray qaraxii dadka badan lagu laayey ee ka dhacay isgoyska Ex koontorol Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage ayaa oo iska soo duubay khudbad soconaysa in kabadan 20 daqiiqo ayaa sheegay in qaraxaas ay iyagu ka danbeeyeen isla markaana ay la beegsadeen saraakiil Turkish ah iyo wax uu ku sheegay maleeshiyaad Soomaali ah.

Waxa uu qiray in dad shacab ah ay wax yeelo ka soo gaartay qaraxaas, kuwaas oo uu  sheegay inay goobta marayeen.

Faah-faahin dheeri ah goor dhaw kala soco Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this