Deeq A. Posted December 30, 2019 Xasbiga dhexe ee magaalada Muqdisho waxaa la sheegay in maanta ay ka baxsadeen saddex maxbuus oo ku xukunaa. Saddexda maxbuus oo sida la sheegay lagu helay kamid ahaanshaha Al-shabaah ayaa mid kamid ah ku xukunaa xabsi daa’in, halka labada kalana ay ku xukunaayeen xasbi dheer. Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah maxaabtaas baxsatay dib loo soo qabtay isaga oo ku dhuumaalaysana gudaha magaalada, halka kuwii kalana wali la la’yahay, mana jirto cid ilaa hadda ka hadashay. Xabsiga Dhexe ee Muqdsho oo ku yaala degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa amaankiisa loo ilaaliyaa si weyn. PUNTLAND POST The post Shabaab ka baxsaday xabsiga dhexe ee Xamar appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites