Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidan ka degay diyaarad iyo duqeymo Al-Shabaab ku beegsaday Sh/Hoose iyo Jubooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimada Online) – Wararka ka imaanayo gobalka Shabeellada Hoose iyo gobalada Jubbooyinka, ayaa soo sheegaya in xalay dagaal toos ah iyo duqeymo xoog leh ay ka dhaceen dhowr magaalo oo ka tirsan gobaladaasi.

Duqeymaha oo lala beegsaday baro kala duwan oo ka tirsan Jubbooyinka ayaa la sheegay in lagu dilay xubno sare oo muhiim u ah, sidoo kalane lagu dhaawacay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sarakiil ka tirsan dowladda u shegeen Caasimada Online.

Koox ciidan ah oo diyaarad ka dagay ayaa la sheegay in ay galeen guri ku yaala degaanka Salagle, waxaana la sheegay in muddo kooban ay halkaasi kula dagaalameen xubno Al-Shabaab ah.

Saraakiiil ka tirsan dowladda iyo masuuliyiinta gobalka Shabeelada Hoose iyo kuwa Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid abaabulan oo isku waqti ah, lagana fuliyay Jubbooyinka iyo Shabeelada Hoose.

Degmada Kuunyo Barrow ee Shabeelada Hoose, ayaa qayb ka ah goobaha ay ka dhaceen duqeynta,  waxaana la sheegay in guri uu daganaa nin ay walaalo yihiin amiirka Al-Shabaab ay ku jirto goobaha la duqeeyay xalay. Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey saddex duqeyn oo ka dhan ah oo laga fuliyey laba goobood, oo kala ah Kuunyo  Barrow iyo Caliyow Barrow.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka Kuunyo Barrow laga dilay laba Shabaab, laguna burburiyey laba baabuur, halka weerarka Caliyow Barrow lagu dilay laba Shabaab ah.

Sidoo kale degmooyinka Jilib, Bu’aale iyo Jamaane ayaa qayb ka ah goobaha ay duqeenta ka dhaceen. Wasaaradda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay soo saarto war-saxaafadeed la xariira arrintaan, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan oo aan la hadalnay.

Duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha dagaalka ayaa aad ugu soo batay Jubbooyinka,  gaar ahaan Jubada Dhexe, waxaana badanaa la sheegaa in lala beegsado fariisamo ay leeyihiin Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this