Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay G/Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey maleeshiyaad hubeysan oo maanta ka dhacay deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadkaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriyaha Khamriga ay isku dhaceen, kadibna uu iska hor imaad dhex maray.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay ugu yaraan illaa labo qof, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, kuwaas oo dhammaan ahaa dhinacyadii dagaalamay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana xiisada ku baxay waxgaradka deegaanka, si looga hortago dagaalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this