Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo dal shisheeye ku eedeysay qaraxii Ex-Control Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa war cusub ka soo saartay weerarkii maalin ka hor ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ku lahaa dal shisheeye, islamarkaana uu weli socda baaritaanka lagu hayo dhacdaasi.

“Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis.” ayaa lagu yiri qaraalka ka soo baxay NISA.

Sidoo kale warkaan laguma shaacin magaca dalka la sheegay inuu ku lug lahaa weerarkaasi oo geystay khasaare aad u xoogan.

Ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 148 kale oo u badnaa dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this