Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar oo diyaarad sidda gurmad u soo dirtay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa diyaarad qaar ah oo sidda gargaar caafimaad u soo dirtay Muqdisho, taas oo ka soo ambabaxday Dooxa.

Diyaaradda oo ah mid milatari ayaa saacadaha soo socda ka soo dagi doonto garoonka Aadan Cadde oo la filayo inay ku soo dhoweeyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Gaarka ay siddo diyaaraddaan oo loogu tala galay dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii Ex-Control Afgooye ayaa waxaa bixiyey sanduuqa hormarinta ee dalka Qatar.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay qaadi doonto qaar ka mid ah dhaawacyada daran ee ku jira isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho.

Waa diyaaraddii labaad ee soo gaarta Muqdisho, iyadoona shalay tii koowaad oo ka timid Turkiga ay qaaday 16 dhaawacyo ka mid ahaa dadkii ay waxyeeladu soo gaartay.

Qatar iyo Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka, waxaana si gaar ah ay uga qeyb qaataan gurmadka deg dega ee loo baahan yahay.

Weerarkii Ex-Control Afgooye ayaa ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa, waxaana weli saameyntiisa laga dareemaya gudaha Caasimada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this