Sign in to follow this  
Deeq A.

Liibiya Oo Codsatay In La Fuliyo Tallaabo Ka Dhan Ah General Haftar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tripoli)-Hoggaamiyaha dowladda Libya ee ay taageeraan caalamka Khalid Al mishri ayaa ka codsaday madaxda dalalka dunida in ay u fidiyaan taageero dhaqqale, mid ciidan iyo mid dibolomaasi.

D-15-750x430-1.jpg

Hoggaamiyaha dowladda ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobe ee dalka Libya ayaa sidoo kale ugu baaqday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC in ay qaadaan tallaabo dhan ka ah waxa lagu tilmaamay fallaagada ciidamada Millateriga ee uu hoggaamiyo General Khalifa Haftar.

Generaalkaasi ayaa la sheegay in dambiyada uu geystay ay yihiin kuwo lid ku ah biniaadanimada, sidaa daraadeedna ay waajib tahay in la joojiyo dhaqdhaqaaqiisa.

Dhowr bilood oo dagaallo ay ka socdaan koonfurta magaalada caasimadda ah ee Tripuli boqolaal rayid ah ayaa la dilay ama la dhaawacay halka 140-kun oo ruux ay ka carareen guryahooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this